|
 Webiga
Jubba oo ku fatahay tuulooyin ka tirsan gobolka Jubbada Hoose
Kismaayo 23
Agoosto 06 (Radiogedo.com) Fatahaadaha webiga Jubba oo galay maalintoodii
saddexaad ayaa maraya meelihii ugu darnaa, tuulooyinka Maleendo,
Mugaambo iyo Sanguunni ayaa waxa ay dadku isku dayayaan si ay uga
barakacaan dhulkoodii si aanay u saameynin fatahaadda sida ay sheegeen
dadka tuulooyinkaasi.
|
 |
|
Ciidamo Itoobiyaan ah oo xalay ka soo
gudbay xuduudda Dolow ee gobolka Gedo
Dolow
23 Agoosto 06 (Radiogedo.com) Ciidammo lixaad leh oo Itoobiyaan
ah ayaa xalay ka soo gudbay xudduudda degmada Dolow ee gobolka Gedo,
ciidammadaas oo wata gawaarida dagaalka isla markaasna aad u tiro
badan ayaa waxaa sida la sheegayo ay ku sii jeedaan degmada Baydhabo
ee gobolka Bay, halkaas oo xarun ku meel gaar ah u ah dowladda federaalka
Somaliya.
|
 |
|
Sidee
looga dareemayaa 26ka June gobollada koonfureed
Kismaayo 26
June 06 (RadioGedo) Maanta oo ay ku beegan tahay 26kii June oo ahayd
maalintii ugu horreysay ee geyi Soomaaliyeed laga taago calan Soomaaliyeed
46 sano ka hor ayaa waxaan si weyn looga xusin gobollada Koonfureed.
|
 |
|
Isku
dhac dad ku dhinteen oo ka dhacay Kismaayo
Kismaayo 25
June 06 (Luuq.com) 2 qof ayaa ku dhimatay 2 kalena inta la og yahay
waa ay ku dhaawacantay iska hor imaad maanta ku dhex maray laba
maleeshiyo beeleed gudaha magaalada Kismaayo.
|
 |
|
Golaha
Maxaakiimta Islaamiga oo Muqdisho looga dhawaaqay
Muqdisho 24
June 06 (RadioGedo) Gole cusub oo maamul ayaa waxaa maanta looga
dhawaaqay magaalada Muqdisho, waxana golahani uu ka koobnaa 88 xubnood
oo laba gole u sii kala baxa oo ay kala hoggaamin doonaan Sheekh
Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Shariif
|
 |
|

Nin
lagu qisaasay magaalada Kismaayo maanta
Kismaayo 22
June 06 (RadioGedo) Nin horay u dilay laba bilood ka hor nin kale
oo ay isku hayb yihiin ayaa maanta lagu qisaasay gudaha magaalada
Kismaayo, ka dib markii ay xukunkaas ridday maxkamadda shareecada
islaamka ee Kismaayo, isla markaasna ay labada dhinac ku waafaqeen.
|
 |
|
Madaxweyne
Cabdullaahi Yuusuf oo la kulmay Ra'isul wasaare Melles
Addis-Ababa
21 June 06 (Radio Gedo) Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo shalay
ka ambabaxay magaalada Baydhabo oo gaaray magaalada Addis Ababa
ayaa waxa uu halkaas kula kulmay ra'isul wasaaraha Itoobiya Melles
Zenawi oo uu uga war bixiyay xaaladda Soomaaliya.
|
 |
Barnaamijkii
Xulashada RADIOGEDO 18/5/06
Ku soo
dhowaada barnaamijkii xulashada Radio Gedo oo aad had walba kala socotaan
www.radiogedo.com iyo GEDONET, waxana maanta aan ku soo qaadanaynaa qodobbada
ay ka mid yihiin:Dadka adeegsada aaladda Internetka ee ku dhaqan gobolka
Gedo oo billaabay inay waraaqo digniin ah u diraan hay'adaha samafalka.
Guddoomiyaha guddiga olambikada ee gobolka Jubbada Hoose Saleebaan Cabdi
Bedel oo sheegay inaanay la shaqeyn doonin hoggaanka cusub ee uu yeeshay
xiriirka kubbada cagta ee Soomaaliyeed isla markaasna dhaliilay wasaaradda
isboortiga ee dowladda federaalka ee Soomaaliya. Waxa kale oo aad dhegaysanaysaan
isbahaysiga dooxada Jubba oo kulankii ugu dambeeyay isugu keenaya beelaha
Gaaljecel iyo Cawramaleh ee toddobaadyadii ugu dambeeyay ku dagaallamaya
meelo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, qodobbadaas iyo kuwo kaleba waxaad
ku dhegaysanaysaan soo saaristii Axmed Timajilic, waxaana istudiyaha Radio
Gedo ee magaalada Kismaayo idinkaga soo tebinaya Nasteex Daahir Faarax.
Xulashada
RadioGedo ee toddobaadkan 14/05/06
Waa barnaamijkii xulashada
RADIOGEDO oo aad ka dhegaysataan RADIOGEDO iyo GEDONET:Waxyaabaha aad
maanta ku maqli doontaanna waxaa ka mid noqon doona:Wasiirka dib u dhiska
iyo dib u dejinta dowladda Federaalka Soomaaliya oo shaaca ka qaaday inuu
dhexdhexaadinayo garabyada ku dagaallamaya magaalada Muqdisho. Waxaad
kaloo ku dhegaysan doontaan maamulka degmada Kismaayo iyo ciidammada Booliska
oo la tacaalaya sidii ay u xakameyn lahaayeen shaqaaqooyin ka dhashay
musalafid soo wajahday shirkadda xawaaladda DALSAN oo hantideedii iyo
dhismaheedii ku yaallay magaalada Kismaayo la isku haysto.
Waxaad kaloo ku dhegaysanaysaan
boqollaal qof oo isugu soo baxay degmada Garbahaarrey iyagoo diidan ganacsatada
degaankaas oo diidday qaadashada lacagta shilin Soomaaliga ee duugga ah
iyo maamulka Garbahaarey oo ku hanjabay inay xabsiga dhigi doonaan ciddii
diidda shilin Soomaaliga duugga ah, waxaa kaloo aad maqlaysaan Isbahaysiga
dooxada Jubba oo mamnuucay in haweenka indhaha shareeran ay gudaha u galaan
garoonka Kismaayo iyo qaybaha culuma u diinka oo walaac ka muujiyay wareegtooyinka
uu soo rogay maamulka isbahaysiga. Qodobbadaas iyo kuwo kaleba waxaad
ku dhegaysanaysaan soo saaristii Axmed Timajilic iyo daadihintii Nasteex
Daahir.
Abaaraha gobolka Galguduud
oo heerkii ugu darnaa maraya oo aannu wareysi idinkaga hayno.
Guddoomiyaha degmada
Beledxaawo Axmed Maxamed Burkuus oo gaashaanka ku dhuftay warar ay warbaahintu
sheegtay oo ahaa in dilal ay ka dhaceen degmada Beledxaawo oo aannu isaga
ka wareysannay.
Wariyahannaga Garbahaarrey
oo booqday Ceelcadde iyo wixii uu ku soo arkay
Dil ka dhacay magaalada
Kismaayo
Abaanduulaha ciidammada
isbahaysiga dooxada Jubba Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka
war bixinaya xaaladda ammaan ee magaalada Kismaayo.19/4/06
Guddoomiye ku xigeenka
Isbahaysiga dooxada Jubba Xildhibaan Yuusuf Mire Maxamuud (Seeraar) oo
ka war bixinaya ujeeddada uu u tegay magaalada Nayroobi iyo kulanka uu
la yeelanayo saraakiisha Mareykanka ah, 19/4/06
Hay'adda isku xirka
iyo xuquuqda aadanaha ee INXA oo deeq raashiin ah ka qaybisay magaalada
Baardheere oo aannu ka wareysannay madaxa hay'adda INXA ee gobollada koonfur
Galbeed Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Barre (Aadan Cadde) 19/4/06
Barre Hiiraale oo
baaq u jeediyay garabyada ku dagaallamaya magaalada Muqdisho inay dagaalka
joojiyaan. 26/3/06
Siyaasiga Xildhibaan
Nuur Xasan Cali (Nuur Gaab) oo baaq u diraya dhinacyada ku hardamaya Muqdisho
26/3/06
Col. Cabdi Cigaal
oo ku celiyay in uu waafaqsan yahay heshiiskii uu la galay Isbahaysiga
Dooxada Jubba 21/3/06
Sida loo qaybiyay
raashiin gargaar ah oo ay WFP ugu deeqday gobolka Jubbada Hoose 21/3/06
Afhayeenka isbahaysiga
Dooxada Jubba Bile Cabdille Cabdi oo ka warramaya isku dhicii maamulka
degmada Kismaayo
21/3/06
Barre Hiiraale oo
caddeeyay in uusan taliyaha ciidammada isbahaysiga dooxada Jubba iyo Isbahaysiguba
aanay ka qayb qaadannin dagaalka ka socda Muqdisho.26/3/06
Shir ballaaran magaalada
Colombus ee gobolka Ohio ka dhacay loogana hadlayay inay Soomaalidu ka
qayb qaataan joojinta colaadaha iyo dagaalada ka aloosan magaalada Muqdisho.
26/3/06
|