Maxaa dhacay tan iyo 1960kii?
|
|
|
46 sano ayaa
ka soo wareegtay tan iyo markii ay xuriyada qaadatay Jamhuuriyada Soomaliya.
Haddaba qoraalkaan waxaan ku eegeynaa qaar ka mid ah wax yaabihii ugu
waaweynaa ee dhacay tan iyo xiligaa. Waxaa afeef ah in qoraalkaan aan loogu
tala gelin in uu koobo dhamaan wixii ka dhacay Soomaliya. Sidaa daraaded,
dhacdooyinka halkaan aan ku xusneyn ma aha macnaheedu in ayan muhiim aheyn in
la xuso ama kuwa halkaan ku xusan in ay yihiin kuwa si gooni ah loo xushay.
Balse maadama qoraalku yahay mid yar ayuunbaan lagu soo qaatay qeyb ka mid ah
wixii dhacay. Sidoo kale qoraal loogu ma tala gelin in uu faahfaahin ka
bixiyo sidii ay wax u dhaceen balse waxa uu koobayaa wixii dhacay iyo xiligii
ay dhaceen. |
|
|
1960 Qaramada Midoobay markii hore waxa ay u qoondeeysay Soomaliya in aay xuriyada qaadato 2dii Diseembar 1960kii laakin taa waa la soo hormariyay kadib markii dowladii Daaqiliyada codsi sameysay 1959kii. Taariqda cusub waxaa laga dhigay 1dii July 1960. 26kii Juunyo 1960kii waxaa xuriyad qaadatay Waqooyiga Soomaliya. Kowdii Juulaay 1960kii waxaa iyadana xuriyad qaadatay Koonfurta Soomaliya isla markaana waxaa midoobay Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaliya, halkaas ayayna ku abuurantay Jamhuuriyada Soomaliya. Bankigii Qaranka Soomaliyeed ayaa howlgalay kowdii Juulaay 60kii. Aadan Cabdule Cismaan waxa uu noqday madaxweynihii ugu horeyay ee Soomaliya, isna waxa uu magacaabay Cabdirashid Cali Sharmarke in uu noqdo Wasiirka Koowaad. 1961 Waxaa la
ansixiyay dastuurkii ugu horeeyey ee Soomaliyeed kadib markii cod loo qaaday.
20kii Juun 1961dii, dastuurkii cusbaa ee la dhigay waxaa ‘Haa’ u codeeyay
1,756,216 qof halka 183,000 qof u coddeeyeen ‘Maya’. Aadan Cabdulle Cismaan
ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee la doorto. Inqilaab dhicisoobay oo raga
hogaaminayay uu ka mid ahaa Xassan Kayd ayaa ka dhacay Waqooyiga Soomaliya. 31dii
Juulaay 1961dii, lacag la oran jiray ‘East African Shillings’ oo laga
isticmaali jiray Waqooyiga Soomaliya ka hor inta aan la midooban ayaa noqotay
mid la joojiyay isticmaalkeeda, waxaan si ku meelgaar ah loo sii isticmaalay
midii koonfureed ‘Somalo’. Isla sanadkaa waxaa la asaasay Ciidamada Cirka
Soomaliyeed. 1962 5tii Maarso
1962dii, waxaa uu soo saaray Madaxweynihii xiligaa wareegto lagu sameynayo
lacag cusub oo la yiraahdo ‘Somali Shilling’. Dhaqdhaqaaq badan oo siyaadeed
ayaa Soomaliya ka socday kasoo la doonayay in Northern Frontier District oo
hadda ka tirsan Kenya (NFD) lagu soo daro Soomaliya. Isla sanadkaa Soomaliya
waxa ay heshiis xaga ciidamada ah la gashay wadankii loo yaqaanay Midowga
Soofiyeed. Gudi loo magaacabay in ay kasoo tala bixiyaan af-Soomaliga ayaa ku
talo bixiyay in farta Soomaliga laga dhigo mid loo qoro sida farta Laatinka
ah. 1963 Soomaliya ayaa
xiriirkii siyaasadeed ka goosatay Ingiriiska aarimo la xariiro NFD daraadeed.
Qafaal askareed ayaa markii ugu horeysay Soomaliya laga hirgeliyay. Waxaa la
abuuray Laanqeyrta Cas ee Soomaliyeed. Waxaa kacdoon lagu doonayo Soomali
weyn ka bilowday dhulka Soomali Galbeed. Lacagtii ‘Somalo’ waxa ay istaagtay
isticmaalkeeda 31dii Diseembar 1963dii. Wasiirkii Koowaad ee Soomaliya ayaa
booqasho lagu adkeeynayo xiriirka Shiinaha iyo Soomaliya ku tegay Shiinaha. 1964 Bilowgii 1964tii
waxaa qarxay dagaal dhexmaray Soomaliya iyo Itoobiya. Cabdirisaaq Xaji Xuseen
ayaa noqday Wasiirkii Kowaad. Madaxweynihii Kenya, Jomo
Kenyatta iyo Boqorkii Itoobiya, Haile Selassie, waxay sameysteen heshiis lagu
xakameynayo doonista Soomaliya ay doonaysay in ay soo ceshato dhulkeeda ka
maqan. 1965 Wadankii
Midowga Soofiyeet waxa uu ka caawiyay Soomaliya asaasida Ciidanka Badda.
Jeneraal Daa’uud ayaa ku geeriyooday magaalada Mooska. Xiriirka Shiinaha iyo
Soomaliya waxaa uu sii xoogeysta gaar ahaan xaga caafimaadka markii Aadan
Abdulle Cisman booqasho ku tegay Shiinaha. 1966 Waxaa uu Shiinaha dhisay Masraxii Qaranka (National Theatre). 1967 10kii Juun
1967dii Aadan Cabdule Cismaan waxaa u dhamaatay xiligi madaxweynaha uu ahaa.
Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa noqday Madaxweynihii Soomaliya halka Maxamed
Ibrahim Cigaal ka noqday Wasiirka Koowaad. 1968 Dowladii
Cigaal waxay isku dayday in ay wanaajiso xiriirkii ka dhaxeyay Soomaliya iyo
Itoobiya. Waxay Siteembar 1968kii Soomaliya waxa ay la gashay heshiis xaga
duulimaadyada ganacsiga iyo isgaarsiinta dowladda Itoobiya. Si xiriirka loo
hormariyo, Itoobiya waxa ay qaaday xanibadii saarneyd xuduudka labada wadan. 1969 Waxaa 15kii Oktoobar 1969kii la dilay Madaxweynihii Soomaliya Cabdirashiid Cali Sharmarke. Cigaal oo markaa ahaa Wasiirka Kowaad waxa uu booqasho ku joogay wadanka Maraykanka. 21kii Oktoobar 1969kii, waxaa xukunkii la wareegay Ciidamada Qalabkasida ayada oo uu horkacayo Maxamed Siyaas Barre. Waxaa la xeray xubno badan oo ka tirsanaa dowladihii rayidka ahaa. Midowga Soofiyeet waxaa uu dayactir iyo balaarin ku sameeyay dekada Berbera. 1970 Waxaa la furay
Jaamacadii Umadda. Feberaayo 1970kii, xukunkii Meletariga waxa uu laalay
dastuurkii la dejiyay 1960kii. Waxaa la asaasay Hay’adii Nabadsugida (NSS). Abriil
1970kii, waxaa la xeray Sareey Gaas Jamac Cali Khoorsheel oo ahaa markaa
Madexweyn ku xigeen ayada oo lagu eedayay qayaano qaran. 1971 Maajo 1970kii,
xubno ka tirsan ciidamadii inqilaabka sameeyay sida Maxamed Caynaanshe iyo
Salaad Gabeyre ayaa la xeray ayada oo lagu eedayay in ay inqilaab kale
wadeen. Waxaa la soo nooleeyay Gudigii Luqada Soomaliga kuwaas oo lagu amray
in ay diyaariyaan barnaamij waxbarasho oo ku qoran af-Soomali. 1972 Agoosto 1972dii
waxaa la asaasay Ciidaankii Guulwadayaasha. Sanad guuradii sadexaad ee
kacaanka waxaa lagu dhawaaqay in farta Soomaliga ay noqondoonda farta rasmiga
ah ee dalka uu leeyahay marka laga bilaabo 1dii Janaaayo 1973dii. Waxaa la
qarameeyay hay’ado badan sida bangiyada iyo caymisyada. Waxaa la bilaabay
asaasitaankii iskaashatooyinka. 1973 Maamulkii Ciidamada
waxaa ay soo saaren sharci madani ah waxayna laaleen sharciyadii ka horeyay,
waxayna xadideen maxkamadihii ku dhisnaa sharciga Islaamka. Sidoo kale waxay
meesha ka saareen bixinta diyada. Shaqaalaha dowladda waxaa lagu qasbay in ay
qataan tabar soconayay seddex bilood oo ay ku baranayaan luqada Soomaliga. 1974 Agoosto 1974tii
waxaa bilaawday ololaha barashada af-Soomaliga. Soomaliya waxa ay ku biirtay
Jaamacada Carabta. Waxaa bilowday abarihii dabadheer. 1975 Maamulkii
Maxamed Siyaad Barre waxa uu xabsiga ka soo daayey Cabdullahi Yusuf. 11kii
Janaayo 1975tii, maamulkii Siyaad Bare waxaa uu soo saaray sharci simaya
dumarka iyo raga. Isla sanadkaa waxaa la dilay 10 wadaado ah oo ka horyimid
sharcigaas. Dad badan oo ay aafeeyeen abarihii dabadheer ayaa la dejiyay Dajuuma,
Sablaale, Kuntur-wareey iyo meelo kale. 1976 Waxaa la
asaasay Xisbigii Hantiwaada Kacaanka Soomaliyeed. 1977 Lufthansa flight 181 ayaa lagu soo afduubay magaalada Muqdisho 17kii Oktoobar
1977dii. Waxaa bilowday dagaalkii u dhaxeyay Itoobiya iyo Soomaliya kaas oo
sababay in uu xumaado xiriirkii Midowga Soofiyeet iyo Soomaliya. 13 Novembar 1977
waxay Soomaliya ka saartay wadankeeda in ku dhow 6000 qof oo u kala dhashay
Midowga Soofiyeet, Kuuba iyo wadamo kale. 1978 9kii Maarso
1978dii, Maxamed Siyaad waxa uu amray ciidamada in ay ka soo baxaan dhulka
Soomali Galbeed. 8dii Abriil 1978dii, waxaa fashilmay inqilaab la rabay in
kursiga looga rido maamulkii Siyaad Barre, inqilaabka ragii waday waxaa ka
mid ah Ciro iyo Cabdullahi Yusuf. 1979 25tii Agoosto
1979kii waxaa cod loo qaaday dastuurkii maamulka meletariga ay sameeyeen.
Waxaa codka ‘Haa’ siiyay 3,597,592 halka ‘Maya’ ay yiraahdeen 7898. Diseembar
1979 waxaa dhacay doorashadii Golaha Shacabka. Intii u dhaxeysay Maajo and
Juun 1979kii, ciidamadii Koofiya Casta waxa ay xasuuq ka sameeyeen degaanada
ku wareegsan Kaalkacyo. Jabhad la yiraahdo Somali Salvation
Democratic Front (SSDF) aya la aasaasay. 1980 Dowladii Soomaliya waxa ay xiriir siyaasadeed
ka goosatay Liibiya ayada oo ku eedeynaysa taageero ay siisay ururada
mucaaradka. Isla sanadka dowladda Soomalieed waxa ay heshiis la gashay dowladda
Maraykanka ayada oo u ogolaatay dowladda Maraykanka in ay isticmaasho
dekedaha Soomaliya. 1981 6dii Abriil
1981kii, waxaa magaalada 1982 Waxaa xabsiga
laga soo daayay Maxamed Abshir Muse iyo Maxamed Ibrahim Cigaal oo xernaa tan
iyo 1969kii. 7dii Juun 1982dii waxaa la xeray Ismaacil Cali Abukar, Cumar
Carte Qaalib, Cumar Xaaji Masale, Cismaan Maxamed Jeele iyo Maxamed Aadan
Sheekh. Bartamihii Juulaay waxaa magaalooyinka Balambale iyo Goldogob
qabsadey ciidamo mucaarad ku ahaa maamulkii markaa jiray iyaga oo taagero ka
helayay ciidamada Itoobiya. 1983 Waxaa la furay
telefishinkii ugu horeeyay ee Soomaliyee. 18kii Maarso 1983dii waxaa la joojiyay
isticmaalka iyo kaganacsiga qaadka. Juun 1983dii dowladda Sacuudiga waxa ay
joojisay xoolihii ay ka qaadan jirtay Soomaliya ayada oo ku eedeynayso
xoolaha Soomaliya in ay leeyihiin 1984 Nofeembar 1984tii,
waxaa la afduubay diyaarad ay laheyd Somali Airline. Diseembar 1984tii waxaa
Soomaliya booqasha qarsoodi ah ku yimid Roelof "Pik" Botha oo ahaa
Wasiirka Arimaha Dibada ee South Africa, halkaasna labada wadan waxay ku
galeen heshiis kaas oo wadada u xaarta in ciidamo ajnabi ay ka qeyb qaateen
xasuuqii ka dhacay Waqooyi Galbeed Soomaliya. Diseembar 1984tii waxaa wax
laga badalay dastuurkii wadanka ayada oo loo kordhiyay xiliga madaxweynaha
hayn karo xafiiska taas oo markii hore aheyd lix sano lagana dhigay todobo
sano. 1985 Waxaa isku
dhacay maamulkii Itoobiya iyo Abdullahi Yusuf, kadibna Abdullahi waxaa la
dhigay xabsiga. Soomaliya waxa ay Maraykanka kala qeyb qaadatay dhoola tus
xaga ciidamaha ah oo la 1986 Bishii Janaaayo 1986dii,
waxaa wadanka Jabuuti ku kulmay Siyaad Baare iyo Mengistu
iyaga oo ku heshiiyay in la joojiyo colaada labada wadan u dhaxeysa. 23dii Maajo 1986dii, Madaxweynihii Soomaliya
waxaa uu galay shil gaari. Midowga Soofiyeed iyo Soomaliya waxa ay dib u soo
ceshteen xiriirkii xaga siyaasada. Xiriirkii u dhaxeeyay Soomaliya iyo
Ingiriiska ayaa xumaaday Seteembar 1986ki kadib markii uu Cabdiraxmaan Jaamac
Bare oo ahaa Wasiirka Arimaha Dibadda ku eedeyay BBC in ay fidinayso dacaayad
dhan ka ah Soomaliya. Sidoo kale maamulka Soomaliya waxay isku dhaceen
Amnesty International iyo African Watch. Siteembar 1986dii waxaa la furay
xaraashkii sarifka lacagaha qalaad. 23dii
Diseembar 1986dii waxaa Soomaliya lagu qabtay doorasho taas oo uu Maxamed
Siyaad ahaa masharax kaligiis taagan, waxa uuna helay 99.9% codadka. 1987 Maxamed Cali
Samatar ayaa loo magacaabay Wasiirka Kowaad. Dowladda waxa ay bilowday in ay
dhaqan geliso talooyinkii badan oo ay soo jeedisay hay’ada International
Monetary Fund (IMF) waxaana aad u dhacay qiimaha shilinka isla markaana waxaa
kacay qiimaha maciishada. Talooyinka ay dowladda fulisay waxaa ka mid ah in
la dhimo shaqaalaha dowladda. Cabdi Bile Cabdi ayaa qaaday bilada dahabka
aduunka ee xaga orodada 1500m. 1988 19kii Maarso 1988dii, waxaa heshiis nabadeed wada galay Maxamed Siyaad iyo Mengistu. Ciidamadii SNM waxay bishii Maajo 1988dii weerar ku qaadeen magalooyinka Burco iyo Hargeysa. Bishii Juun cidamadii dowladda waxa ay bilaabeen in ay diyuurado ku garacaan qeybo ka tirsan Waqooyi Galbeed Soomaliya. Sidoo kale inta u dhaxeysay Maajo ilaa Diseembar 1988dii waxaa xasuuq loo geystay dadkii degenaa meelaha ay soo gashay SNM. 1989 Janaayo 1989kii
waxaa magaalada 1990 Tirada dadka
Soomalida waxaa lagu qiyaasay 8.5 million oo qof. Bishii Maajo, dad ka kooban
114 indheer garad loona yaqanay “Sulax” ama “Manifesto Group” waxay warqad
talo bixin ah u qoreen Madaxweynihii Soomaliya. 6dii Juulaay 1990kii waxaa
garoonka Istaadiyam Muqdisho ay ciidamada ilaalada Madexweynaha ku laayeen
dad ka badan 60 qof. Agoosto 1990kii waxaa heshiis looga soo horjeedo
maamulkii Maxamed Siyaad wada galay SNM, USC iyo SPM. Dowladda Maraykanka
waxa ay sheegtay in dowladda Soomaliya ay ku guuldaraysatay in ay bixiso
daymo lagu lahaa sidaa daraadeed ayan istaahilin in ay hesho macaawino ka
timaado dhanka Maraykanka. Maxamed Xawaadle Madar ayaa loo magacaabay
Wasiirka Kowaad. Markii uu Sadam Xuseen qabsaday Kuwait, Soomaliya waxay ka
mid noqotay wadamadii ka soo horjeedsaday arintaa, taa Soomaliya waxa ay u
keentay in dhaqaale badan sida Qadar oo ka cafisay dayn ay ku laheyd
Soomaliya. Sacuudiga oo siiyay Soomaliya lacag dhan $70 milyan, sidoo kalana
u balan qaaday Soomaliya in shidaalka looga gadi doono sicir hooseeya.
Manifesto Group waxa ay soo jeediyeen in Seteembar 1990kii lagu qabto Masar
wadahadali dhex mara Siyaad Bare iyo mucaaaradka, laakin labada dhinacba 1991 26kii Janaayo
1991dii, Maxamed Siyaad Barre waxa laga tuuray xukunkii. Jabuuti waxay
qabatay shirar dib loogu heshiisiinayo Soomalida. Shir lagu qabtay Jabuuti Juulaay
1991kii, waxaa madaxweynaha ku meelgaar ah loo magacaabay Cali Mahdi Maxamed.
Cumar Carta Khaalib ayaa noqday Wasiirka Kowaad. Shir lagu qabtay, waxaa Sareeyo
Guuto Maxamed Faarax loo doortay in uu noqdo gudoomiyada ururka USC, Caydiid.
Shir kale oo lagu qabtay magaalada Boorame waxaa ka soo baxay 18kii Maajo
1991, gooni isu taaga 1992 Waxaa Soomaliya ka dhacay abaarihii ugu xumaa inta tariiqda la xasuusan
yahay. Qaramada Midoobay waxa ay isku dayday in xabad joojin ka dhex dhaliso
Caydiid iyo Cali Mahdi. 11kii Diseembar 1992dii waxaa
is gacan qaaday Caydiid iyo Cali Mahdi. Waxa cunaqabateyn xaga hubka ah la saaray Soomaliya. Sido kale waxaa la
abuuray “United Nations
Operation” in Somalia, ama UNOSOM taas oo howl gashay Abriil 1992dii. 9kii Diseembar 1992dii waxaa xeebaha
Soomaliya ka soo degey ciidamo Maraykanka uu horkacayo si ay wax uga qabtaan
dhibaatooyinkii ka jiray Soomaliya. 31dii Diseembar 1992dii, Madaxweynaha
Maraykanka George Bush ayaa booqday Soomaliya. 1993 Janaayo, Maarso
iyo Diseembar 1993dii waxaa wadanka Itoobiya lagu qabtay shirar dib u
heshiisiineed kuwaas oo ay ka soo qayb galeen jabhada kala duwan ee ka jiray
Soomaliya. 5tii Juun 1993dii waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay 23 askari oo
ka socday wadanka Bakistaan. Dilkaa waxaa lagu eedeeyay in uu Caydiid ka
danbeeyay, kadibna waxaa la go’aan saday in la xero Caydiid. 12kii Juulaay 1993dii waxay
ciidamadii Maraykanka weerareen guri ay filayeen in uu ku jiro Caydiid
halkaas oo ay ku dileen dad ka badan 50 qof. 3dii Oktoobar 1993dii, Waxaa Muqadisho lagu
riday diyaarado Maraykanka uu leeyahay halkaas oo ay ku dhinteen dad badan oo
Soomali ah iyo 18 Maraykan ah. Ambassador Oakley ayaa loo soo magacaabay in
uu noqdo wakiilka qaaska ah ee Maraykanka, waxaana ciidamada Maraykanka lagu
amray in ugu danbeen ka soo baxaan Soomaliya 31dii
Maarso 1994. Michael Durant oo ka mid ahaa
ciidamada Maraykanka lana qafaashay ayaa la sii daayay. Maxamed Ibrahim
Cigaal waxa uu noqday madaxweynihii Soomaliland. 1994 Ciidamada
Maraykanka waxay intooda badan ka baxeen wadanka Soomaliya ka hor 25tii
Maarso 1994tii. 24tii Maarso 1994tii, Caydiid iyo Cali Mahdi waxay 1995 2sii Janaayo
1995kii waxaa magaalada 1996 9kii Maarso
1996 waxaa magalaada Muqdisho lagu dilay Elman Cali Ahmed. 2dii Ogoosto waxaa
la duugay Jeneraal Maxamed Faarah Aideed kadib markii uu ugeeriyooday dhaawac
xabadeed oo soo gaaray darteed. Qaar ka tirsan hogaamiyayaasha Soomaliya
waxay heshiis nabadeed ku kala saxiixdeen Itoobiya kaas oo loo yaqaano
“Heshiiskii Sooderi”. Sidoo kale waxaa la dhisay Gudiga Badbaadada Qaranka. 1997 Juulaay 1997dii,
waxaa isku dhacay ciidamo ka kale socday Cali Mahdi iyo ciidamo ka socday
Maxkamada Islaamka. Novembar 1997 waxaa shir kale oo dib heshiiseynd lagu
qabtay Qaahira kaas oo loo yaqaano “Baaqii Qaahiro”. Soomaliya waxaa ka
dhacay daadad aad u weyn kuwaas oo guri la’aan ku riday dad gaaray 800,000. 1998 Puntaland ayaa
sameysatay dowlad goboleed. 26kii Maarso 1998dii, doon wada dad qaxooti
Soomaliyeed oo gaaray 180 ayaa ku degtay xeebaha Yeman. 23dii Juulaay 1998dii, waxaa noqday
Madaxweynahay Puntaland Gaashaanle sare Cabdullahi Yusuf. Cigaal waxaa mar kale loo gartay in uu sii haayo hogaanka
Soomaliland. Cali Mahdi iyo Xuseen Caydiid ayaa isku dayay in ay maamul u
sameeyaan magaalada Muqdisho. 1999 Gobolka Bay
iyo nawaxiigiis ayaa noqday meel ay ku hartamaan ciidamadii daacada u ah
Xuseen Caydiid iyo Rahenweyn Resistance Army (RRA). 6dii Juun 1999kii
ciidamadii RRA waxa ay ku guuleysteen in ay Baydhabo ka qabsadaan ciidamadii
Xuseen Caydiid. Sanadkaan waxa kale oo uu ahaa sanad ay afduubyo badan ka
dhaceen magalaada Muqdisho ku waas oo isugu jira kuwa dhaqaale lagu doonayay
iyo kuwa arimo siyaasadeed ka danbeeyaan. 28kii Juun, ciidamada Itoobiya waxa
ay qabsadeen gobalka Garbahaarey iyaga oo sheegtay in ay baacsanayaan cidaamo
Al-itixaad ah. 2000 Maajo 2000
waxaa magaalada Carta ka bilowdey dibheshiisintii 13-aad ee loo qabto
Soomalida. Juulaay waxaa la ansaxiyay axdiqarameed ku meel gaar ah. 26kii Agoosto 2000,
Abdiqasim Salad Xassan ayaa lagu doortay Carta in uu noqdo Madaxweynaha
Soomaliya. Oktoobar 2000, Cali Khalif Galeyd ayaa loo magacaabay Wasiirkii
Koowaad ee dowladda Carta. 20 Oktoobar, Galeydh waxaa uu magacaabay golohiisi
wasiirada. Dhowr ka mid ah ka qeyb galayaashii shirkii Carta ayaa lagu dilay
magaalada Muqdisho sida bishii Oktoobar 2000 waxaa la dilay Jeneraal Yusuf
Tallan. 12kii Novembar 2000 sidoo kale waxaa la dilay Xasan Jaalle oo ahaa
Xubin Baarlamaan. Maamulada Somaliland iyo Puntland waxa ay xereen dad badan
oo ku soo laabtay maamulakood ka dib markii ay ka qayb galaan shirkii Carta. 2001 Janaayo 2001dii, Cali Khalif waxa uu ku eedeeyay dowladda Itoobiya in ay
faragelinayso arimaha Soomaliya. Feberaayo
2001dii, waxaa dowladii Galaydh ku soo biiray Maxamed Khanyare. Dowladda Galaydh ayaa la
wareegaytay 60 bilyan oo shilling Soomali ah oo ka mid ah lacagihii ay soo
daabacdeen ganacsato Soomaliyeed. Xubnihii kasoo horjeeday dowladda Carta
ayaga oo kaalmo ka helayo dowladda Itoobiya ayaa Maarso 2001dii waxay ay
sameeyteen “Somali Reconciliation and
Restoration Council (SRRC)”. Bishii Maajo, ciidamo ka amar qaata Muuse Suudi
ayaa afduubay dad shaqaale u ah Taqaatirkta aan Xadka laheyn (Medicins sans Frontieres). 1dii Juulaay 2001dii, waxaa ku ekaa
xiligii loogu talagalay Cabdullahi Yusuf in uu ahaado Madaxweynihii
Puntaland, balse waa uu sii sheegan jiray xilkaas tan iyo Maajo 2002 taas uu
xukunka mar kale gacantiis ku soo noqday kadib markii uu u xoog sheegtay
Jamac Cali Jaamac. Novembar 2001dii waxaa loo doortay
Jamac Cali Jamac in uu noqdo hogaamiyaha Puntland balse Cabdulahi Yusuf marna
ma ogaaln maamulkaas. 28dii Oktoobar, waxaa dhacday dowladii Cali Khalif
kadib markii ay wayday cod kalsooni ah oo loo qaaday. 12dii Novembar 2001dii, waxaa Wasiirka Kowaad ee
Soomaliya noqday Xasan Abshir Faarax. 2002 3dii Maajo 2002, Maxamed Ibrahim Cigaal waxaa ku geeriyooday Southafrica.
Waxaa madaxweyna ku meelgaar Soomaliland sii noqday Daahir Riyaale Kaahin.
Waxaa magaalada Eldoret ee dalka 2003 14kii Abriil 2001dii, Daahir Riyaale waxaa uu ku guuleystay doorashadii
madaxweynanimada Soomaliland. Jeneraal Cade Muse ayaa
weerar ku qaaday maamulkii Puntland isaga oo kaalmo ka helayo 2004 Siteembar 2004tii,
waxaa magaalada Mbagathi lagu saxiixay Axdi qarameed ku meel gaar ah. 14kii Oktoobar 2004kii, Cabdullahi Yusuf
waxaa uu noqday Madaxweynaha Soomaliya. Novembar 2004kii waxaa Wasiirka
Koowaad ee Soomaliya loo magacaabay Cali Geedi Maxamed. Dowlad ayuu dhisay
Gedi taas oo la dhaariyay 6dii Diseembar, laakin waxaa dowladdaas la riday 11kii
Diseembar. 26kii Diseembar 2004tii, Soomaliya waxa ay
ka mid noqotay wadamo badan oo ay gaartay afadii Tsunami. 2005 Bishii Janaayo
Geedi waxaa uu dhisay dowladiisii 2-aad. Isla bishaas Cadde Muse ayaa loo
doortay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland. 22kii Janaayo, qabuuro ay ku
aasan yihiin dad Talyaani ah oo ku yaalo magaalada Muqdisho ayaa la soo
faagay. Bishii Feberaayo, hay’ada International
Crises Group (ICG) waxa ay ka digtay in ciidamo deriska ah la geeyo Soomaliya.
Isla bishaa, Wasiirka Warfaafinta Itoobiya, Bereket Simon ayaa sheegay in
wadankiisa uu ka qeyb qaadanayo ciidama loo dirayo Soomaliya. 17kii Maarso
2005tii, shir uu ku lahaa Baarlamaanka Soomaliya waxaa gacan ka hadal
dhexmaray xubnaha baarlamaanka kadib markii la isku fahmi waayay dood ku
saabsaneyd keenista ciidamo shisheeye. 30kii Maajo ciidamo daacad u ah
Shaatiguduud iyo Sheekh Adan Madoobe ayaa soo weeraray magaalada Baydhabo oo
ay gacanta ku hayeen ciidamo daacad u ah Maxamed Ibrahim Xaabsade. 11kii Juulaay 2005tii, waxaa magaalada Muqdisho lagu
dilay Cabdiqaadir Yaxye oo ahaa madaxa “Center for Research & Dialogue
(CRD)”. Isla bishaas Cabdulahi Yusuf waxaa uu xarun ka dhigtay magaalada
Jowhar. Bishii Oktoobar dowladda 2006 Waxaa meelxun
gaaray abaaro ku dhuftay gobolo badan oo ka tirsan Soomaliya. 26kii Feberaayo
waxaa magaalada baydhabo markii ugu horeysay ku kulmay xubnaha Baarlaamanka
ee Dowlada ku Meelgaarka. Cabdullahi Yusuf ayaa ka guuray magaalada Jowhar
ayada oo ay xarun ku meelgaar u aheyd dowladda ku meelgaar ah isaga oo u
guuray magaalada Baydhabo. Maarso 2006dii waxaa magaalada Muqdisho ka
bilowday dagaal u dhaxeeyay qaar ka tirsan dagaal oogayaasha oo la magac
baxay Isbahaysiga soo Celinta Nabada iyo la Dagaalanka Argagixisada iyo
Maxkamadaha Islaamka. 22kii Maajo waxaa golaha Wasiirada ee Dowlada ku
Meelgaar ah ansixiyeen in dalka la keeno ciidamo ajanabi ah. Bishii Juun
2006, waxa awood roonaaday Maxkamidihii Islaamka. 14kii Juunyo 2006,
Baarlamaanka Soomaliya waxa uu ansixiyay in ciidamo shisheeye la keeno
wadanka. 23kii Juun waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Martin Adler oo ahaa wariya u dhashay
Mohamed Mukhtar Email: mohamed323@hotmail.com |
|