The opinions
contained within this article are solely those of the author, and do not necessarily reflect the editorial
opinions of Gedonet. All rights reserved.
1DA LUULYO
MA DABBAALDEGBAA MISE WAA
BAROORDIIQ
Waa maalintii xornimada laga helay
gumeystihii saancaddaha ahaa oo buluugley ay dabeyluhu ka lulayeen daaraha
dushooda.Waa maalintii ugu horreysay ee qaranka Soomaaliyeed labo midowday oo
hal dawlad ah yeesheen oo horey u ahaa “British Somali land” iyo “Italian
Somali Land”.
Waa maalintii hanka Soomaaliyeed kor u
kacay oo lagu hammiyey loona hawlgalay in la haleelo qaran Soomaaliyeed oo
dhammeys ah.Waa maalintii aan ku heesnay ”qoloba calankeedu waa caynoo innaga
keennu waa cirkoo kaloo aan caadna laheyn.....”
Ha yeeshee,1991 kii iyadoon guluf shisheeye
oo toos ah uuna soo duulin ayaa la dumiyey dawlad qarameedkii loo han
weynaa.Dawladdii silica iyo saxariirka loo maray,nool iyo moodna loo waayey
ayaa si fudud oo xilkasnimo la’aan ah loo riday.
Waxaa la boobay hantidii qaranka oo
dhawrtada iyo dhigaalka aheyd.Waxaa la xaabsaday xoolihii xalaal quutaha
waddaniga ah oo la xalaalsaday.
Daarihii loo qotomiyey adeegga qaranka
farshaxannaduna qurxiyeen baa la dumiyey ama sidii diirta loo diirtay amase laga
yeeshay xero xoolaad.
Sidii aboorkii baa la mahoobbiyey
astaamihii iyo taallooyinkii dalka.Waxaa la fagtay dhulkii, bir iyo maarna
waa laga dhawray.Waxaa kor loo laacay
fiiladii danabka oo sidii qarandida loo dhishay.
Salka suuliga iyo kuley qasabad ku tahay
shayna lama samatabixin.Waxaa seyladaha dunida la waray sad guud iyo sad gaaraba
wixii ummaddu laheyd.
Waxaa gunta laga jaray geed-miroodkii
gu’yaasha laga dhursugayey. Waxaa gubato loo rogay dooxooyinkii dalagyadu ku
beernaayeen,carrosankiina waxaa laga dhigay gawaan iyo gabiib maran.
Guutooyin baa la dumay oo gees walba u
qaaday duullaan ummula -dooxa. Waxaa gawrac loogu jiiday hanad iyo waxgarad la garwaaqsanaa.Waxaa
loogu guduudiyey nin gaboobay iyo gurboodba. Waxaa gees walba ka yeeray
galaayuuska dumarka asayda gambeysan iyo halaanhalka hooyadii la jaray
ubadkeedii. Waxaa guri walba hogatay gablan wiil la’aaneed iyo guuldarro iyo
hoog. Waxaa dhacay geesaas iyo gabanno xoor.waxaa dhacay kala haad iyo
haataawilif. Waxaa dul heehaabay geyiga Soomaaliyeed oo idil daruur dabaylo
nuxus leh wadata oo musiibo iyo meyd leh.
Gabadhii Soomaaliyeed ee bilicsaneyd ee lagu
kunniyey boqoraddii Afrika oo laga
matalay xoriyadda waxaa la bilqay duleedyada bannaan iyo deyrarka guryaha, waxaana sidii
kadin kallanaa loo hortay galmadeeda iyadoo garcas iyo oday guunaba goob joog
yihiin. Gabadhii aan niri waa hoobaan ee heegaha dheerayd, Hodan waxaa helay hunuf dhadhable ah ee dhalanteed aamminsan.
Gabadhaan niri waa “sida geed harweyn oo ubax guudka qariyey oy
laamuhu ay midiba geesteed gacan mira ah leedahay oo godan barwaaqo ah, durdur
aan go’ayn iyo gacan wabi ku yaal ...geddiisii baad tahay” gabadhii waxaa helay gun iyo gaayo alifley.
Xornimadaan niri waa hal oo waa maandeeq,
hoorkii madida aheyd oo baarqaabkii
Turbaale iyo dirkiisa ku tarmi jirtay oo ku tanaadi jirtay, waxaa helay qaalmo taynax walashle ah oo tis-qaadka
roorsada oo garbo beel iyo goondhabaaleyn mooyee aan ged kale ku kordhin.
Maandeeq Turbaalay ku tiqiin ka guul guulka
awrta gaaf-wareegga ah iyo qaalmaha gaadda -keenka ah ee guulowga badan, goosan
dhurwaa iyo gaade libaaxna agteeda kama goosan jirin. Markay guxushaagii weyday
baa kolay dhuug iyo dhurde ku tahay dhiiggeeda laga giigay. Hashaan gaade iyo
gulufba ka dhawrnay, hashaan geyraha iyo gudcurkaba la joognay, hashaan Gaawaha
u culannay waxay darartay mud iyo deebaaq iyo dacar dhiimaal ah. Godlan waxaan
ka sidannaa gorofyo maran.
Maandeeq sidig bay aheyd seddex ku irmaan
tahay ee sabadka ay joogto suudda la daaqa oo maqaarka loo sido lagu wada salaaxo.
Markii Maandeeq gabraartaha iyo sinji-dhaadyadu
ganeen, bay seddexdiina noqdeen seera- wareeg subaaca la qooqa. Uubateyn
iyo olol-reen bay ku riiqmeen oo ku rifmeen.
Wax daran waxbaa kaaga sii daran, balo’
wali way
irmaantahay oo waa ibo qoyantahay. Balo’
buunkeeda Xamar baa laga yeershaa oo dabkeeda laga biriyaa.
Xamartii xoogga iyo xiniinyaha Soomaali
weyn lagu dhisay, tacabkeediina la tuunshay waxaa taabsaday tuug iyo tuug
kalkaal. Xamartii taajka qaranka aheyd
waxay noqotay barta taliska bi’inta
Soomaaliyeed.
Talo keen ahow ama talo raac ahow, hadday
tusmo wanaagsan aheyd tuna lagu kari waa.
Balo’ wali waa irmaan tahay, kuwii
toobkaheeda culay oo bireeyay wali waa fayow yihiin oo waa faltamayaan.
Kuwii balo’ unkay oo ku tacadiyey danta
S/liyeed wali waa soo dhankoolaan .
Baas- abuurayaashii bannaystay gawraca iyo
gambiga qaranka S/liyeed wali waa bulxamayaan.
Kuwii hagardaamo qooli jiray wali waa
hammiyayaan, kuwii hantaqa ku ridi jiray wali waa harjadayaan, haddana heegaan
u jeednaaye wali hanqar kuma hoorin.
Qore: Cabdi J Aw-Aden