Ha ka Harin Waqtiga: La
Jaanqaad Assaaggaa
Runtii, is-baddelka ka dhacay
Muqdisho wuxuu hordhac u yahay rabitaan ay ummadda Soomaaliyeed ku doonayso
inay ku xaqiijiso jiritaankeeda iyo horumarkeeda. Waa halgan nololeed, wuxuuna
ku qotomaa himilada weyn ee ay bulshada Soomaaliyeed higsanayso. Waxaa lagula
dirirayaa dulmiga iyo xumaanta, waxaana lagu doonayaa in la helo nabad iyo
garsoor wanaagsan. Sidaas darteed, waxay noola muuqataa in qof kasta uu ka
qeyb-qaato halgankan, islamarkaasna uu ku kordhiyo wixii awooddiisa ah. Haddaba, si aan ugu boorrino dadweynaha
Somaliyeed in ay qaybtooda ka qaataan ka miro dhalinta dadaallada socda, waxaan
soo jeedinaynaa arrimahan hoos ku qoran.
Kow, waxaa muhiim ah in ummaddu
fahamto in hoggaanka iyo hawl-wadeenka Maxkamadaha Islaamku ay yihiin dad caadi
ah oo ay kala mid yihiin xagga tabarta, farsamada iyo waaya-aragnimada
bulshoweynta Soomaaliyeed. Mar haddii ay taasi jirto waa in aan lagu fekerin in
ay ku soo afjaraan dhibaatada Somaliya maalmo kooban. Waxaa habboon in aan hankeenna hoos u dhigno,
isla markaasna garawsanno in aysan Maxaakimta Islaamku hayn xal mucjiso ah, in
kastoo ay tahay in lagula xisaabtamo gaabiska iyo gefefka ay sameeyaan.
Dadweynaha Soomaaliyeed wuxuu u
gogol-badiyey qabqablayaasha dagaalka. Waxaa laga dhur sugayey muddo ka badan
15 sano. Waxaa lagu dayey wax kasta. Tusaale, markii ay is-hortaageen
natiijooyinkii ka soo baxay shirarkii hore, waxa loogu daray inay iyagu
shiraan, islamarkaasna ay magacaabaan xubnaha baarlamaanka. Waxa loogu daray
inay wasiirro noqdaan. Nasiib-darro iyagoo intaas loo yeelay ayey haddana waxa
ugu hooseeya ee laga filayey ka soo bixi waayeen.
Ku talinmayno in maxkamadaha
harkacaya isbeddelkaan cusub la siiyo 15 sano oo wax-ku-dheel cusub ah, laakiin,
waxaan ku talinaynaa in dulqaad loo yeesho gefefka caadiga ah ee ka iman kara
maadaama aysan lahayn waayo-aragnimo iyo tababar ku filan. Sidoo kale, waxaan
ku talinaynaa dadweynuhu meel kastoo ay ku sugan yihiin, dal iyo dibadba, in ay siiyaan maxkamadaha taageero buuxda oo
dhan walba ah.
Labo, waxaan la soconnaa in
dagaallada sokeeye ay dhaawac weyn gaarsiiyeen kalsoonida shaqsiyaadka iyo
beelahaba. Waana caadi in bulshada ku nool meelaha ay dagaallada sokeeye ka
dhaceen ay kala shakiso. Sidoo kale,
waxa jira kooxo ku dan qaba inay sii jirto aamin-darrada bulshda dhex taal,
islamarkaasna, adeegsada qabiil iyo kooxaysi si ay u waaraan colaadda iyo
kala-shakigu. Haddaba, waa in laga
feejignaado arrintan, looguna kaalmeeyo maxkamadaha sugista ammaanka.
Waa nasiibdarro in ay soo baxaan
dad raba in ay qabiil u rogaan isbeddelkaan taariikhiga ah si ay u
kufiyaan. Waxaan dadweynaha ku
dhiirrigelinaynaa in aysan u dheg raaricin kooxahaan wax-dumiska ah oo dantooda
gaarka ah ka hormarinaya danta guud ee ummadda.
Run ahaantiina, qaabka ay maxkamaduhu u hoggaaminayaan kacaankan cusub
wuxuu muujinayaa inaysan jirin cid gooni ah oo duullaan lagu yahay. Dagaalladii
dhacay oo dhan waxa ka soo baxay inaan dhibaato gooni ah lala dooneyn qabiil
gaar ah. Haddaba yaan nalaku maaweelin oon nalaku dhagrin ujeeddooyin aan jirin
iyo arrimo aan meesha ool.
Saddex, maaddaama uu isbaddelkani
ku wajahan yahay in xididada loo siibo qabqablayaasha dagaalka meel kasta ha
joogeene, waxaa nala quman in gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhami ay ku dhaqaaqaan
dadaallo la mid ah
Waxaan rumaysan nahay in
maxkamaduhu ay wax wanaagsan ka qabteen amaanka meelihii laga hirgeliyey tan
iyo markii ay samaysmeen. Waxaan wada ognahay in magaalada Muqdisho ay ka dhici
jireen fal-danbiyeedyo kala duwan intii ay talinayeen qabqablayaashii dagaalku.
Kolleyse, maalmahaan saxaafaddu ma aysan werin falal afduub, kufsi iyo dhac ah
oo lagu arkay goobaha ay maxkamaduhu la wareegeen. Sidaa darteed, inta aan ka
ognahay dalka, maxkamaduhu doorka ammaanka iyo garsoorka waxay ka gaareen guulo
la taaban karo. Waxaana hubaal ah,
haddii uu dadweynuhu ku taageero in ay soo celin karaan nabad buuxda iyo
kaladambeyn.
Qodobka ah in talada iyo maamulka
lagu celiyo gacanta dadweynuha waxaan u aragnaa mid muhiim ah. Shirkii ugu
danbeeyey ee ka dhacay
Runtii, Itoobiya iyo
Saddex, waxaan ognahay in ragga hoggaamiya xukuumadda ku-meel-gaarka ah ee ku sugan Baydhabo ay ku mashquulsan yihiin sidii loo xagal daacin lahaa kacdoonka shacbiga iyo sidii loogu keensan lahaa ciidamo Itoobiya oo lagu cabburiyo. Cabburin iyo caddaadin waa wixii uu ka gadooday shacabka Soomaaliyeed oo uu iskaga tuuray gumeysigii dalka qabsaday qarnigii tagay, xukuumaddii militariga ee Maxamed Siyaad iyo qabqablayaashii dagaalka. Shacabku maanta aqbalimaayo in ay Amxaaro dul dhigto cabburis iyo caddaadis ka foolxun kaa hore. Haddaba, waxaan ku talinaynaa in ay dadku, koox koox iyo kali kaliba, ugula xiriiraan Cabdullahi Yusuf iyo Cali Maxamed Geeddi, una sheegaan in aysan ka yeeleyn barnaamijga gumeysiga oo ay rabaan in ay geliyaan Ummadda Soomaaliyeed iyo in aysan gacmaha ka laabaneyn hawlaha Soomaaliya looga dhigayo KILILKA LIXAAD ee dalka Itoobiya. Waa in si aan kala go’ lahayn lagula xiriiro taleefanka, e-maylka iyo qaybaha kale isgaarsiinta. Waa in loo caddeeyo in aysan ka haysan kalsooni shacabka Soomaaliyeed iyo in aysan shacabka Soomaaliyeed ku sandulleyn karin u adeegista danaha Xabashida.
Dadka Soomaaliyeed ee ku nool
dibadda waxaa saaran xil weyn. Waxaa looga baahan yahay inay qaadaan olole weyn
oo dunida looga dhaadhacsiinayo qadiyadda Soomaalida, gaar ahaan ujeeddooyinka
Itoobiya. Sidaa darted, waa lama huraan in laga abaabulo mudaaharaadyo waaweyn
caasimadaha dalalka ay Soomaalidu joogaan.
Ugu danbayntii, waxaan qabnaa in la isku khilaafi karo in loo baahan yahay in la keeno dalka ciidamo shisheeye oo ka yimaad dal aan Soomaalidu xasaasiyad diimeed, mid dhaqan iyo mid dhaqaale aysan ka qabin. Laakiin, ma qabno in dalka la keeni karo ciidamo Itoobiya oo ah cadawga koowaad ee ay dahay ummadda Soomaaliyeed. Waxaan leennahay dadka u ololeeya keenista ciidamada Itoobiya waxay galeen khiyaamo qaran, waxayna gelayaan dembga ugu weyn ee laga galo ummad iyo qaran.
Waxaan iskula dardaarmaynaa in
aan hurdada ka toosno dhamaanteen, islamarkaasna aynaan ka harin waqtiga oo aan
la saanqaadno asaaggeen. Waa in aan ka faa’iidaysanno mawjadda isbeddelka cusub
oo u dananaysa dalkeennaa iyo dadkeenna.
Weliba waxaan is-xasuusinaynaa in aysan hawshu kow joogin iyo in
qabqablayaashii kuwii ugu khayr darraa ay hadda billaabeen olole lagula
dagaallamayo kacdoonka shacbiga, iyagoo weliba ka faa’iidaysana welwelka aan
xogta ku dhisnayn ee ay muujisay bulshada caalamku. “Qof
lagu seexdow ha seexan, xilbaad sitaa ha seexan, soo jeedo foojignow.”