The opinions contained within this article are solely those of the author, and do not necessarily reflect the editorial opinions of Gedonet. All rights reserved.

 

Walaal waan wareeraye yaan taageeraa ma Dowladda mise Maxaakimta?

 

BY Mukhtar Qoransay

qoransay@gmail.com

 

Asalama Calaykum:

 

Marka hore mahad dhamaanteed Rabbi ayaa iska leh, naxariis iyo nabad galyana Nabi Muxammed dushiisa ha ahaato.

 

Intaa kadib maalmahan danbe waxaa jira su’aalo badan oo uu qof walba isweydiinayo ama uu weydiinayo dadka kale. Kuwaas oo ku saabsan kacdoonka shacabka iyo isbedelka siyaasadeed ee kusoo kordhay Soomaliya, siduu u muuqdo? Cidda mudan in la taageero? Dawladdu maxay damacsan tahay, sideese u fakartaa? Maxaakimtuse maxay damacsan yihiin, maxaase ka guuxaya? Kacdoonkan shacabka ma dhalanteed baa oo marba ninkii taak roonaada, miyaa loo sacab tumaa? Mise waa naxariis Rabbi uu ku muujinayo inay bulshada Somaliyeed kusoo badanayaan dad badan oo waxgarad ah? Maamulada kale ee kajira dalka qeybihiisa kale qaab sidee ah ayay u fakaraan?Yaa bulshada danteeda garanaya? Yaase awooddo ugu weyn ee wax saameyn karta iska leh, midda Rabbi ka sokow?

 

Waa jiraan maqaalo badan oo kusaabsan mawduucan kacdoonka shacabka oo ay si habsami ah u qoreen walaalo iga horeeyay, laakin wali ma arag mid looga jawaabayo ama lagu falanqeynayo su’aalahaas aan kor kusoo xusay. Sidaa awgeed waxaa ii muuqday in bulshadu u baahan tahay in arinkaan dhinac kale toosh loogu ifiyo, si ay u bataan dadka meelo fogfog wax ka arki og ee ka mida Somalida. Hadaba dhamaan su’aalahaan isweydiinta mudan jawaabahooda halkaan kuma soo wada koobi karno, kumana wada falanqeyn karno hal maqaal keliya, laakin waxaan isku dayi karnaa inaan wax uun ka yara qorno, anigoo kusoo koobaya sawiro iyo calaamado, si qofka Soomaliyeed ugu sahlanaato inuu siiyo taageero wax ku ool ah qoloda danta guud iyo cadaaladda u ordaysa, middan danbe oo isagana danahiisa gaarka ah ugu fulayaan iyo danaha qof walba oo kamida bulshada Soomaliyeed.

 

Si kale markaan u dhigo waxaa la gaadhay waliba la dhaafay xilligii dadka Somalidu badankood labo-labo ama mid-mid intay isku raacaan oo meel cidlaa tagaan isweydiin lahaayeen kana fakari lahaayeen:

 

Hadaba si aan qolo sax ah u taageerno waa inaan marka hore soo bandhignaa qolo walba iyo qaab fakarka looga bartay ama hadaladooda iyo ficiladooda laga fahmi karo. Isla dhinaca kalana waxaan eegi doonaa fakarada laga fili karo ee lidka ku ah kuwa looga bartay oo iyagana qofka taageeradiisa wax ka bedeli kara. Markaan soo bandhigo qofka soomaliyeed ayaan u deynayaa inuu garaadkiisu inta uu le’eg yahay isticmaalo, kadibna taageeradiisa siiyo cidda ku haboon ama uu la nooca yahay. Bulshada Somaliyeed ayaan 4-nooc usii kala qeybin karnaa, laakin hadaan halkaan ku falanqeyno 4-taas nooc maqaalka ayaa nala dheeraanaya, balse mid kale ayan ku eegi doonaa insha Allah. Aan ku hormarno dowladda Baydhabo fadhida iyo qaab fakarkeeda.

 

Bal aan eegno dhawrka 100-qof ee daba socda dowladda iyo golaha shacabka

Bal aan eegno sawiradaas kore kuwa lidka ku ah ee dhici kara ama aanan dhici Karin.

Bal maxaakimta iyo waxa ka suurta geli karana aan eegno!

Qof baa laga yaabaa inuu isyiraahdo anigu Muqdisho kamaba imaan maxaa iga galay Koonfur iyo waxa ka dhacaya, waxaan u dhashay maamulada S-land iyo P-land.

 

Waxa jira qaab fakaro badan oo ka guuxaya maamulada S-land iyo P-land, laakin halkaan kuma wada soo koobi karno maqaalka oo dheeraanaya awgiis, laakin waxaan intaa kusii kordhin karaa inay qaarkood u fakaraan sidan:

 

Waxaas oo dhan waxay muujinayaan waxa lagu nool yahay ee loo kala tartamayo waa dhaqaalahaaga iyo taageeradaada. Hadaba soo awood malihid? Laakin hadaan taageeradeena shacab ahaan siino qolo sax ah oo ka shaqeynaysa danta umadda, kana hormarinaya tooda gaarka ah, tan bulsho weynta. Isla markaana si cadaalad iyo sinaan kujirta diyaar u ah in loo qeybsado khayraadka dhulka , Rabbina khayr ka rajeyno, mustaqbalka Somaliya waxaan ku saadalin karnaa 16-ka sano ee soo socda inuu noqon karo sidan:

 

Laakin haddii aan taageeradeena meel khalad ah la aadno oo marba nin ugu sacab tunno indho la’aan, mustaqbalka Soomaliya waxaan ku saadaalin karnaa in doontii bililiqada iyo dhiigga waday lasii saarnaan doono 16-sano ee kale ama ka badan, muuqaalka dalkana sidaan ayuu noqon karaa, Rabbi kama dhigee:

 

 

Gebgebo:

 

Ugu danbaytii waxaan filayaa in jawaabta cinwaanka maqaalka aan helnay hadda, maadama qolo walba ajandeheeda soo bandhignay iyo sida laga fili karo. Hadaba qofka Somaliga ahow fakar oo go’aanso yaa mudan inaad taageerto, marba qolo miyaad waligaa u sacabtumi, mise danta guud oo ah inaad mustaqbal fiican heshaan adiga iyo awlaadaada ayaad fiirin? Adigaan kuu daayay inaad gaadho go’aan wax ku ool ah, markastana ka fiirsato cidda aad taageerayso, cidna kuu tilmaami maayo, laakin yaanan jeebka lagugu sidan waligaa ee maskaxda Rabbi kugu rakibay ka shaqaysii. Tan kale su’aashii aheyd yaa awoodda ugu weyn ee wax saameyn karta iska leh tan Rabbi ka sokow? Iyadana qoraalka ayaad kala dhex baxday ayaan filayaa inaad adigu leedahay, marka bal awooddaas caqli la kaasho oo meel saxa la aad.

 

Wasalamu Calaykum