MUQDISHO IYO MAR KALE

 

Muqdisho oo ah magaalo facwayn oo degaan bilic iyo barwaaqo leh Alle ku xeeray waxay noqotay xarunta soomaaliya laga xukumo iyo halbowlaha wadanka markii soomaalidu ay xornimadeeda ka qaadatay gumaystayaashii reer galbeelka . Markii muqdisho loo doortay caasimada soomaaliya waxaa isugu yimid boqolaal kun oo soomaali dacaladeeda oo dhan ka yimid. Ma ahayn muqdisho magaalo loo aqoonsanyahay in qabiil ama jifo gaar ah oo Soomaali ah  ay leedahay qofkii taas maankiisa galiyana waxaa beenaynaya sidii muqdisho loo degay iyo sidii wax walba oo soomaali caqli iyo dhaqaale ay lahayd loogu ururiyay.

 

30 sano oo soomaaliya ay dowlad ahayd muqdisho waxay ahayd wadnaha wadanka, qof soomaaliyeedna tabar iyo dan soo gaarsiinwadyda mooyee wuxuu tamaninayay in mar uun nasiib uu yeesho in uu ka mid noqdo soomaalida calafku u galay in ay muqdisho degaan, waana tan keentay in dabayaaqadii sanadkii 1990kii wax yar ka hor qarixii muqdisha ay soomaalida saddex meelood meel xamar ku noolaayeen.

 

Degaanka wanaagsan ee muqdisho ku taalay ka sokow, waxaa soomaali ku khasbay in ay xamar isugu wada timaado waxaa ugu waynaa maamulkii guracnaa ee awooda wadanka dhanwalbaba muqdisho lagu soo ururiyay. Waxay u muuqatay in dalka muqisho mooyee meel kabaxsan aysan tixgalinlahayn. Qofkasta waxay la noqotay hadii uusan xamar degenayn in xaq aanu ku lahayn dalka ama nolol fiican looga ogolayn. Oo maxaa taas loogu fakari waayay, hadii wiilka Saylac deganaa aanu gaari wadankarin ilaa xamar u ogolaashaha gaari kaxaynta ka helo, hadii aanu dhoofi karin ilaa xamar inta uu yimaado  Baasaboor ka helo, iska daaye hadii oday duqoobay xaqiisii uu seegay hadii  safar muqdisho oo 1000 km kabadan aanu galin.Wax walba oo nolosha madaniga ah ku xiran waxaa la dhigay muqdisho. Iska daa tasiilaad kalee muqdisho waxaa la qiyaasay in ay ugu yaraan 400 oo warshadood ku yaaleen.  Runtii waxaa la orankaraa muqdisho waxay ahayd magaalada kaliya ee soomaaliya magaalo ka jirtay inta kale ee aan magaalooyin u naqaanayna waxay ahaayeen daabiyado dad xamar tagi waayay ku hareen.

 

Magaaladii sidaa ahayd ee soomaaliyi magaalo ka lahayd ayaa 1990 waxay gacanta u gashay dhaqdhaqaaq isku magacaabay USC dhaqdhaqaas oo ka faaiidaystay kacdoon bulsho oo ka gadooday xukunkii markaa dalka ka jiray.Waxaa ayaandaro noqotay markii dadwaynihii gadooday ee dowladoodii riday oo filayay in wax dhaama ay heli doonaan ay arkeen in ay madaxa la galeen qool ay garwadeen ka yihiin burcad jaha wareersan oo iyada oo kale taariikhda casriga aanay dunida soomarin.Maalintaa muqdisho hoogii ay gashay waxay ku jirtay 16 sano oo xariir ah. Masiibada muqdisho waxaa ugu darnaa shacabkii muqdisho oo aan marnaba iswaydiin sidii ay uga bixi lahaayeen qoolka burcaddu gashatay. Dalka intiisii kalena waxaa uu ahaa jir wadnaha laga galay oo xanuun la dubaaxinaya. Markii burcadii Muqdisho ay arkeen in dalka iyaga wax ku haysta iska daaye ay abaal marin u helayaan in ay jagooyinka ugu sareeya dalka qaataan, ayay la noqotay in dowladnimo jago kasta oo ay ka helaanba aanay marnaba gaarsiinayn baraaraha ay boobka iyo dhaca ku helaan.Markaas ay bilaabeen in dagaal cusub ay oogaan si bulshada ay ugu xaqiijiyaan in awooda sare iyagu leeyahay iyaguna aanay dagaal iyo hoog mooyee wax kale uhayn.

 

Soomaali baa tiri waraabe daalay dirirtiisaa loo tagaayedadkii muqdisho deganaa marqura ayay go’aan ku gaareen in qoolka burcada ay madaxa kala baxaan, waxayna door bideen in ay taageero buuxda siiyaan hogaamiyaasha maxkamaddo itaal daraa oo qaab qabiil iyo jiffo hosaad ah muqdasho looga unkay markii naf iyo maal si loo badbaadiyo ay adkaatay.  Boqoradii burcadda ayaa waa cusub ku baryay waxay la yaabeen shacabka ka horyimid waxay ku cataabeen war soo reer hebel iyo reer hebel ma tihiin war soo dadkii aan u halganay oo xoraynay matihidiin, war soo ma nihin kuwii sharafta iyo xuquuqda qabiiladeena heeganka u ahaa,sow ma nihin kuwii dowlad walba oo idiin dhalan lahayd fashilinayay markaan ka arki wayno danaha qabiilkeena. War dadkan sharafta nagaqaadaya ee dagaalyahanadeenii gacmaha jaraya ee xukun islaam ku riyoonaya ayaan idinka qabanaynaa ee nala fahma.Calaacal iyo catow toona waa badbaadin waayay shacabkii xamarna marqudha ayay ku qamaameen oo Muqdisho ka saareen.

 

Halkaa waxaa ka bilowday kacdoonkii labaad ee isaga oo aan hogaamin lahayn muqdisho kadhaca .Su’aasha meesha taal waxay tahay hadii kacdoonkii xamar ee 1990 ka faa’iidaysteen burcadii 16 sano waxaan la arag la maqlin lagana sheekayn karin soomaali baday ma ka bislaadeen shacabka reer muqdisho in kacdoonkooda la afduubo oo marwalba wax ay ku hoogaan  ka kororsadaan.

Kacdoonka labaad ee muqdisho waxa kii hore uu kaga badalanyahay dhowr arimood oo hadii  soomaali aysan ka faaiidaysan laga yaabee in kii hore wixii laga dhaxlay wax ka sii liita laga dhaxlo.

 

1-     Arinta koowaad waxay tahay kacdoonkii koowaad ee muqdisho waxa ku salaysnaa qabiil dulmi ku dirir ah waxaana jiray kacdoon kale oo ka soo horjeeday rabayna in miisaanka qabiilku aanu dhan u dheeliyin .

2-     Tan labaad soomaalidu xiligaas kacdoon fowda ah waxa laga dhaxlo dhug iyo dhaayo toona uma lahayn hadase soomaali kacdoon aan itijaah saxa ku socon waxa laga dhaxlo aragtay hadii ay ku waano qaadanayso.

3-     Arinta saddexaad kacdoonka muqdisho hadda ka dhacay soomali oo dhan baa garaysan oo cid duulaan ku ah ma jirto marka laga reebo dowlad dhoobdhoob ah oo burcadda intii ka hartay ay meel la fadhiyaan.

4-      

Si kastaba hanoqotee mira dhalka kacdoonka Xamar maanta ka dhacay waxa uu ku xiran yahay arimo dhowr ah sida.

 

1-     in uu ka nabadgalo afduub :Afduubku waa sawir siwayn uga dhexmuuqda dhaqdhaqaaqa muqdisho ee kacdoonkaan wada waana iinta kaliya ee dad badani ka biyodiidsanyihiin taageeradoodana ay u hakisteen.

2-     In uu ka badbaado damac waaqaca ka indho la’: Soomaliya ma aha jasiirad dunida ka go’an balse waa bar qarax oo dunida inteeda badan indhaha aad ugu hayaan si awgeed waa in xigmad iyo odoros wacan lagu hitiqiyaa habsami u socodka kacdoonka bulshada.

3-     In uu ka magangalo ragga afkaarta ra’yi kudhaga ah wata: waxaa la tuhunsahyahay in hormuudka kacdoonka muqidhso ay ka midyihiin rag aan arigtiyahooda barbar dhigin waaqica jira,sidaa awgeed dhaqdhaqaaqa kacadoonka waa in aanu u dheeliyin dhanka madaxadayga.

4-       In aanu reer Muqdish ku koobnaan: Soomaali waxaa lagu ibtileeyay qabiil iyo kala qaybsanaan sidaa awgeed kacdoon muqdisho iyo gobolada koonfureed qaarkood ku eg miro-dhal ma noqon karo si kasta oo uu u fiicanyahay ama xal u yahay sidaa darteed waa in aan la daahin sawir walba oo soo jiidan kara dadka soomaaliyeed oo dhan taageeradooda.

 

Arimahaas iyo kuwo lamid ah hadii aan laga dhowrin oo aan loo talo badsan waxaa dhici doonta in rag ku kadsoomaan guusha laalan ee meel ay cagadhigan iyo waxa ay ku danbayn Alle kaliya ogyahay.Soomaali haddaan nahayna waxaa masiibadeena ka mid ah in nin walba maalinta uu isyiraahdo adigaa itaal roon uu jeclaado in talo iyo rayi’ isaga aan ka iman uusan dheg u dhigin dabadeedna waa ku baryo mar waxwalbo oo la toosin lahaa waqtigoodii laga gudbay. Ilama aha aniga fikirkayga in taas wali laga bislaaday balse mase dhiirigaliniyo in niyad wanaagga la aaso oo marwalba sharfilashada la awilo sidaa darteed waxaan Ilaahay uga baryayaa in kacdoonka maanta muqdisho madaxdii yayda ahayd ka saaray uu ka dhigo mid soomaali oo dhan islaax u horseeda oo inta dhexdiisa ka bilaabo isa saxa soomalina ku dayato markaana lagaga baxo aafada daba dheeratay ee soomaali ku habsatay.Aaaaaaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin .

 

By: Mohamed Abdullahi Warsame (lugyar)

Burguduud@hotmail.com