Guusha islaamiyiinta, Dhibic si Daramaatiiki ah u Badashay Qaaridadii Siyaasadeed

iyo Midii Bulsho ee Soomliya Laakiin……

 

Murti carbeed ayaa waxay leedahay. “Èíä ÍÇäå æãÇäå ÖÇÚÊ áÍÇäÇ   macnahdeeu uu yahay “ Xaana iyo Maana Ayaan Gargeygii Ku waayay”.Maahmaahdaasi waxay ku timid sida laga soo wariyay mucjimka Maahmaahyaha carabiga in Nin oday ah ayaa wuxuu qabay laba Naagood oo lakala yiraahdo Xaana oo dad’ahaan weyneyd iyo Maana oo da’ yareyd. Waxaa la yiri markuu u hoydo (Tookeysto) Naagta weyn ayaa waxay ku bilawdaa “ninyahoow markaan arko Tin Madoow oo Garkaaga ku taala ayaan “Yaabaa”iyadoo rifitaanka Tinta Madoow raacisa “waxaad tahay nimuu ilaahay

Haybad siiyay oo waqtigiisii intuu yaraa oo dhalinyarada ahaa u soo qaatay wajigii ugu kaamilsanaa, haatana uu marayo xili uu ku ku faano (Shaybka) Cirada!

Odaygu isagoo dareemaya Xanuunka Tinta ay rifayso Eedo Xaana ayuu hadana wuxuu iska dhaadhiciyaa inay waxay sheegayso ay tahay run.

 

 

Wuxuu habeenka xiga u hoydaa guriga ay ku nooshahay Gabadhii Maana, isla marka uu odaygu nasto ayay maana waxay ku bilaawdaa Rifitaanka Garka Odayga qaasatan Tinta Cad ee cirada ah (Shaybka) ah; markaasay intay xishoot ay ugala jeedo raaliga ay ku tahay ag joogitaanka odayga ayay waxay u raacisaa “mar walba oon ku arko Xabiibi Tin Cad  Garkaaga waan naxaa. Laakiin odayga oo xanunkii Xaana tabcaan la ah ayay Maana oon waalinayn waxay la soo booddaa “waxan la naxaa, waxaad tahay wiil ku jira xiligii uu ugu shabaabsanaa uguna firfircoonaa, uuna ku socdo dariiqa nolosha kii ugu kaamilsanaa.

 

 

Laakiin sidii horoo kale ayuu odaygu xanuunka haya isaga dhaadhiciyaa in waxa ay sheegeyso maano ay tahay, si kastaba odaygaasu sida uu jahawareersanaa mixnada uu ku jiro hadana la’ meel uu xal uga keeno dhibaatooyinka haysta ayaa waxaa weydiin uga naxsadey nin saaxiibkiis ahaa oo weydiiyay waxa garkiisa saan u galay oo u rifrifay. Ayuu odaygii waxa uu yiri maahmaahda kor ku xusan.

 

Arartaasu waxa uu duluceedu yahay, in soomaliya ay waligeed ku dhex jirtay dhibaatooyin ay wadaan dhinacyo ayan soomaliya maslaxadoodu ku jirin in dadkaas iyo Dalkaas ay helaan Dowlad Facaal ah oo wax ka badasha xaalada cakiran ee uu marayo mar walbana uga sii dara oo bilaaba wax aanu caqliga caadiga ah dareemi Karin. Taas waxay dhalisay in dalkoo dhan faraha loo galiyo Qowlaysato iyo Maalmaati Qabeeno aan dan iyo heelo ka lahayn dadkooda iyo dalkoda waxna u dhimaya maslaxadda dalkoo dhan. Iyadoo beeshay Hadaf, Mabda’ iyo Qaayaba. Waxa marqaati ma doonto ah in markii ugu horeysay ay soomaliya Gashay boggaan qarsoon ee Mugdiga badan sanadkii 1977 markii soomaaliya ay ku qaaday dagaal baaxad weyn waddanka Dariska ah ee Itoobiya.

 

Wixii ka danbeeyay taariikhdaas waxaa silsiladii ka danbeysay laga dheehan karaa dhacdooyin badan oo dadka intooda badan ula muuqda “Dramatic” laakiin xanbaarsan macno weyn oo lawada ogsoon yahay meesha ay ku biyo shuban karaan, qaas ahaan marka si qoto dheer loo darso, xulufeysigii ay Itoobiya ka heshay Midowgii Soofiyeeti iyo Wadamo Badan oo kale oo ay ku jiraan kuwo Islaam ah. Ka dib markii ay ku fashilantay Dowladii Soomaaliya kasbashadii dalkaas; sidaa daraadeed waagaas malays dhihi karaa Dowladii Soomaaliya ka dhisneyd waxay qaadatay Go’aan ay Ogeyd Natiijadda uu Yeelan

karo? (Waxaan saas u leeyahay ma ahan in Wadaninimo  yaraan I haysata ay igu sababayso laakiin waxaan rabaa in si baaxad weyn loo helo Sawirka oon loo malayn in waxa hadda taagan ay hadda bilawdeen!).

 

Waa su’aal Baaxad weyn oo jawaabteeda laga heli karo, markii isla dowladaas ay siyaasadeedii ula wareegtay Dowladihii Reer Galbeedka oo Mareykanku Hogaaminayay! Waxaa kaaga baxay halkaas in dowladii soomaaliya ay siyaasadeedii ku salaysneyd Geel-Jiranimo Sadxi ah oo aan meelna haysan, dhumucdeeduna uu aad u yaraa. Danta ay lahayd dowladaas marka laga hadlayo Qaaditaankii Dagaalkaas ayaa wuxuu ahaa mid asalkiisu uu ka yimid “Qoraalo iyo Halku dhagyo aan qoraal gali Karin oon lahayn “Sustainability” ama sii socosho. Looguna tala galay in Geel Jiruhu uu kula sheekeysto Geel-jire kale oo kaliya!

 

 Hadaad fiirisid maanta, oo macnaheedu uu yahay shalay, hogaanka dal uu hayo ninkii nta uu aqriyay buugaagtii Hitler lagu jabiyay ku bilaabay dal iyo dad uu ka baxayo dhiig aad u guduudan meel kasta oo ka mid ah Jirkooda. Arintaas oo dhan waxay ka dhigaysaa Shaqsiga soomaaliga ah inuu magangalo  meel

walba iyadoo inta badan uu magangalku dhaco isagoo wareersan, taasna ay halaag bado isla asaga.

 

Waxay sheekadaan soo cusboonaatay markii uu dhashay isbadal aan la filayn qaasatan marka aad aqriso Saxaafadda Reer Galbeedka iyo Maraykanka laakiin la filayay, marka laga eego dhanka mixnadda dheeraatay ee ay ummadda soomaaliyeed ku jirtay 16 –sano ee lasoo dhaafay. Oo ay galiyeen Qowlaysato aan dan iyo heelo ka lahayn maslaxada ummadda ay sheegtaan, ayaa waxaa lala wada booday sidii caadadu ahayd in la abuuro taxadi cusub oo dhex mara Dowlad ku sheega iyo Maxaakimta Islaamiga ah ee usoo kacay Ummadda Soomaaliyeed ka dib markii ay Iraadadoodi si weyn u shaqeysay. Markii ay

muddo badan ku jirtay Jahaareer iyo kala qaybsanaan ay abuureen isla Halkudhagyada   tumaya Durbaanka dhiileysan ee ay wataan dhinacyada isku haaya

Soomaliya ee aan soomaalida ahayn.

 

Waxaa isla markaana si weyn usoo baxaya, markii laga neefsado koox koox kale oo leh lama neefsan doono! Taas oo keenaysa waxa dhici kara oo lawada ogyahay. Waxaan intas oo dhan uga dan leeyahay sida weyn ee ay hadda ugu socoto dariiqii hore; iyo mid kasii liita hadii laba qaadanayo go’aan la ogyahay caaqibada uu keeni karo. Oon isbadal haduu ku yimaado Go’aan Geel-jiranimo oon lahayn “sustainability” inuu dhaamo isbadal al’aan hadiiba sababta loo sameynayo ay tahay in kursiga uu qabqablihii ugu fadhiyay jihadda Koonfureed, loo jeediyo Jiho kale oo aan ka dumanayn tii hore!

 

Maxaakimtu uma imaan si Daraamaatiiki ah hadii aad isleedihiin cinwaanka ayaa sidaa u fasirmaya, laakiin waxay ku yimaadeen dhab ahaantii si “evolutionary” oo tartiib tartiib kadib markii sugitaanka amniga iyo kala danbeyntii la waayay ilaa laga yiraahdo isbaarada xaga taala waxa soo amray oo lagu soo amray? Hogaamiye hebel iyo Hebel? markaad tiraahdid oo Isbaaraddu waxay wax u dhimaysaa Shacabka Caadiga ah, waxaa kuu taala oo ayaga weeye dadka loo diidan yahay inay nabadgelyo helaan?.  Dadka noocaas ah, oo jiritaankoodu sidaa ku bilawday kuna socon jiray sidee la isu dhihi karaa xitaa hadii la arko Usaama Bin Laadin oo Dhex Taagan Xamar Waxaa  dagay Al-Qaacida iyadoon ay taasba jirin, ayaa hadana dowlada maraykanku sida caadada u ah ay kala hadlayso marna ay leedahay waan soo dhoweynaynaa Maxaakimta mar kalana ay leedahay Hebel iyo Hebel hala keeno? Ma isleedahay waxaa taagan waa wax si Daraamaatik ah ku Yimid?.

 

Iyadoo ay saas tahay ka waran hadii Maxaakimta ay dhalashadooda ku nafwaayeen 400 oo qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 2000 oo qof, ay wax kula qabsato ummadda ay sheegato siyaasado aan laga soo taxadarin. Si kastaba ha ahaatee  hagardaamooyinka la barayo Madax isku Sheega Fadhiya Baydhabo

iyo Qaabka Laba wajiileynta ah ee Dowlada Mareykanka ayaa waxaa kasoo bixi kara hadeysan maxaakimtu si weyn isu badalin dhan walba iyo gees walba in ay noqdaan  God weyn oo ay kusoo qufmaan kooxo argagaxiso ah oo ay Washington soo Dirto si ay ugu sii dheerayso cunaqabataynta Nabadgelyo iyo Baraare ee Saaran Soomalida. Laakiin sidee ayay Maxaakimtu uga Digtoonaan kartaa siyaasadaas la dajiyay qarniyo badan ka hor.

 

Sidaan qabo ugu yaraan waxaa lagu heli karaa Tacaaduf ka yimaada Qeybo badan oo Caalamka ka mid ah hadii ay maxkamaduhu qaadaan tilaabooyinka soo socda:-

1-     inay maxaakimtu si deg deg ah uga dhisaan Maamul Baaxad weyn, dhamaan dhulka ay ka taliyaan gaar ahaan Muqdisho, si looga badbaado yaraysi la yareysto habkooda aan cadeyn ee ay hadda ku socdaan, yeeshaana siyaasado cad cad oo ay raacaan, gaar ahaan siyaasadahooda Gudaha, Dibadda, Difaaca iyo Dhaqaalaha.

2-     Inay ugu baaqaan Qabaa’ilka kale ee Soomalida ah inay kusoo biiraan Nidaamkaas Cusub ee ay ku dhawaaqeen, iyagoo si nabadgelyo ah usoo jiidan kara

Gobolo Badan oo dalka ka mid ah si ay uga siibaan Maamulkooda Shaatiga Qabiilka oo ah kan kaliya ee noqon kara mustaqbalka meesha laga dumin karo.

 

Labadaas qodob ayaa ah kuwa hadda muujinaya dulduleelada laga soo gali karo Maxaakimta, oo ay ugu yaraan soo hor joogsan karto hadii ayan nidaam cad sameysan tafaraaruq ku yimaada xitaa ayaga dhexdhooda oo ay u kala baxaan Madhabo iyo Dugsi Dugsi Cawaaqibtiisu ay tahay mid aan laga soo waaqsan sida, Salafiyiinta, Takfiirka,Siraadal Mustaqiimka, Suufiyada iwm, markaas oo ay mabda’ cusub oo hor leh keeni doonto  kuna sababi doonto halgan walba oo ay soo galeen sidii ay u islaaxin lahaayeen shacab iyo Ummadda Soomaaliyeed ee dhibaataysan mid bilaash ah oon miro dhalin dibna ugu celinaysa Maahmaahdii Odayga iyo labadiisii Naagood.

 

Sadat Geesh

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 Somali Refugee Council

 tell: 734284850

Sana'a Yemen