![]() |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| BOGGA HORE | FAALLOOYINKA | WAREYSIYADA | WARARKII HORE| SUUGAAN | DIINTA | CONTACT US | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
LINKS Balanballe |
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo la kulmay Ra'isul wasaare Melles Addis-Ababa 21 June 06 (Radio Gedo) Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo shalay ka ambabaxay magaalada Baydhabo oo gaaray magaalada Addis Ababa ayaa waxa uu halkaas kula kulmay ra'isul wasaaraha Itoobiya Melles Zenawi oo uu uga war bixiyay xaaladda Soomaaliya. Cabdullaahi Yuusuf ayaa ku celiyay dalabkiisii ahaa in ciidamo ka socda adduunka ay soo galaan Soomaaliya si looga gacan siiyo dowladda federaalka hanashada dalka. Kulankii uu la yeeshay Melles Zenawi ka dib ayaa waxa uu Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf sheegay in aanay ciidammada Itoobiya soo gelin gudaha waddanka Soomaaliya, arrintaasna ay midowga maxaakiimtu buunbuuninayaan si ay dunida isagaga jeediyaan ayuu yiri madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa wada xaajood uu la galo midowga maxaakiimta islaamiga ah waxa uu ku xiray shruurdo ay ka mid ahaayeen in ay hubka dhigaan, in ay dowladda aqoonsadaan iyo inay muujiyaan dimuqraadiyadda adduunka uu ku dhaqmo. Sidoo kale waxa uu madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf la kulmay ku xigeenka guddoomiyaha midowga Afrika Mr. Patrick Mazimhaka oo uu kala hadlay sida loogu baahan yahay ciidammo maadaama baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay. Waxana uu Madaxweyne Yusuf ku dhaliilay kooxaha midowga maxaakiimta Islaamiga ah in ay dhul ballaarsi wadaan iyaga oo kaashanaya dad ka socda dunida qaybo ka mid ah waa sida uu hadalka u dhigaye. RadioGedo |
Barnaamijkii Daltabyo Riix Halkaan
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
Copyright Radiogedo.com
All Rights Reserved,2004
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||