![]() |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| BOGGA HORE | FAALLOOYINKA | WAREYSIYADA | WARARKII HORE| SUUGAAN | DIINTA | CONTACT US | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
LINKS Balanballe |
Ciidammo Itoobiyaan ah oo xalay ka soo gudbay xudduudda Dolow ee gobolka Gedo Dolow 23 Agoosto 06 (Radiogedo.com) Ciidammo lixaad leh oo Itoobiyaan ah ayaa xalay ka soo gudbay xudduudda degmada Dolow ee gobolka Gedo, ciidammadaas oo wata gawaarida dagaalka isla markaasna aad u tiro badan ayaa waxaa sida la sheegayo ay ku sii jeedaan degmada Baydhabo ee gobolka Bay, halkaas oo xarun ku meel gaar ah u ah dowladda federaalka Somaliya. In kasta oo aan tiradooda rasmiga ah la ogayn ciidammadaan ayaa haddana waxaa dad goobjoogayaal ahi ay radiogedo u xaqiijiyeen in ciidammadaasi ay xilli saq dhexe ah ay ka soo gudbeen buundada magaalada Dolow. Ciidammadaas Itoobiyaanka ah ee ku sii jeeda magaalada Baydhabo ayaa xoojinaya ciidammo aad u tiro yar oo ku sugan magaalada Baydhabo, kuwaasoo soo gaaray sabtidii la soo dhaafay halkaas. Waa markii labaad ee ay xaddi aad u badan ku tagaan magaalada Baydhabo ciidammadana Itoobiyaanka ah, arrintanina waxay ku soo beegmaysaa xilli ciidamo tiro badan ay meelo kala duwan oo Soomaaliya ah ku jiraan sida magaalooyinka Balanballe, Dhabbad, Caabudwaaq, Baydhabo, Gaalkacyo iyo Bandiiradleey. Sidoo kalena waxay ku soo beegmaysaa xilli la gaaray waqtigii ay IGAD ku ballameen inay ciidammo shisheeye soo geliyaan gudaha dalka Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee dawladda federaalka Soomaaliya ayaan iyadu marna ka hadlin ciidammada Itoobiyaanka ah ee soo galaya Soomaaliya, taas oo sida la filayana ay isku aragti ka yihiin soo gelitaanka Soomaaliya oo xabashidu ay ka geysteen falal dil iyo dhacba ah. Radiogedo |
Barnaamijkii Daltabyo Riix Halkaan
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
Copyright Radiogedo.com
All Rights Reserved,2004
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||